Tafiirtii Aadan-madoobe
   
     

layn

Axmed Shide

layn

Dr. Gabboose

layn

Fahad Yaasiin

layn

Geed-beeleedka Beesha Aadan-madoobe

layn

Meelihii Aadan-madoobe u kala qaxey

layn

Beesha Geeska Afrikada Bari

layn

Burco

layn

Haldoorka Aadan-madoobe (Habar Jecle

layn

Cadaalad

layn

Abtirsiin

layn

Abtirsiinta Aadan-madoobe

layn

Abtirsiinta Ugaadh Aadan

layn

laynUgaadh Aadan-madoobe

layn

Ceeldaraad

layn

Ceeldaraad

layn

 

MShDahir Abtirsiinta Beesha Muxumed

November 10, 2020

Muxumed waa: Muxumed Aadan Cabdille Ugaadh Aadan-madoobe.

Muxumed waa: Maxamed Abokor, oo waa Habar Jecle, oo waa Isaaq, oo waa Dir.

Muxumed waxa la dhashey:

1- Iidle Aadan Cabdille Ugaadh Aadan-madoobe
2- Shirwac Aadan Cabdille Ugaadh Aadan-madoobe
3- Ismaaciil Aadan Cabdille Ugaadh Aadan-madoobe
4- Cali Aadan Cabdille Ugaadh Aadan-madoobe

Muxumed wuu kala qolo-qoleysan yahay, oo waa saddexdan qeybood:

1- Muxumed - Habar Jecle ah
2- Muxumed - Warsangali ku dhex-milan
3- Muxumed - Fiqi-Muxumed ah

Muxumed-ka Habar Jecle

Isagu Habar Jecle ayuu dhex deggen yahay.

Muxumed-ka Fiqi-Muxumed

Isagu sida Surre, Biyo-maal, Gaadsan iyo Awr-maal ayuu ilaa Jubbooyinka ku kala baahsan yahay.

Muxumedka Warsangali ku dhex-milan

Alla ha u naxariisto’e, Garaad Maxamuud Cali Shire, ayaa Muxumed soo dhaweeyey, oo markii hore dhaqan ahaan Warsangali ula mideeyey. Laakiin markii danbe, oo dhawaan uun ahayd, ayaa Muxumed la Warsangaliyeeyey, oo la Hartiyeeyey, oo la Daaroodeeyey; oo geed-beeleedka Warsangali lagu darsadey.

Si kaste ha ahaato’e, marna Muxumed la Warsangaliyeyn kari maayo, oo la Hartiyeyn kari maayo, oo la Daaroodeyn kari maayo, oo dhiiggoodaan marna biyo noqon doonin, oo isirkoodaan kolna la doorin kari doonin, oo abtirsiintoodaan marna la baddali kari doonin, oo waligoodba Aadan-madoobe ayay ahaan doonaan, oo Maxamed Abokor ayay ahaan doonaan, oo Habar Jecle ayay ahaan doonaan, oo Isaaq ayay ahaan doonaan, oo Dir ayay ahaan doonaan – bi idni Allaah.

Alla ha u naxariista'e, Salaan Carabey ayaa yidhi:
¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯
Duunyadatan kama liidataan, daaqi geedaha'e
Iyaba waa isdoontaan hadday, kala dibboodaane
Kolay deeradiyo cawsha tahay, doqoni waa liide
Nimanyahow tolnimo waa dugsiye, dunida jeedaasha.

Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@gmail.com

 

 

 

 

 

 

 
 
Cabdiraxmaan Cali Baranbaro

Mr.mucaarid

layn

Cawa-daran

Daallo Airline

Izuzu

 

       
© Copyright 2012 |www.tashiwanaag.com | Bogga Hore | Nala Xidhiidh |