Tafiirtii Aadan-madoobe
   
     

layn

Boqor Burhaan

layn

Suldaan Cabdillaahi

layn

Axmed Shide

layn

Dr. Gabboose

layn

Fahad Yaasiin

layn

Geed-beeleedka Beesha Aadan-madoobe

layn

Meelihii Aadan-madoobe u kala qaxey

layn

Beesha Geeska Afrikada Bari

layn

Burco

layn

Haldoorka Aadan-madoobe (Habar Jecle

layn

Cadaalad

layn

Abtirsiin

layn

Abtirsiinta Aadan-madoobe

layn

Abtirsiinta Ugaadh Aadan

layn

laynUgaadh Aadan-madoobe

layn

Ceeldaraad

layn

Ceeldaraad

layn

 

MShDahir Abwaannadii Toljecle

 

January 21, 2013

Suugaanteennu waa dhaxal reeb, oo taariikhooyin badan, oo qoraal la’aantii afkeenna daraadeed inooga lumi lahayd, ayay inoo kaydisey, oo ay inoo xafiddey, oo jiil ka jiil ayay si hufnaan ah, ay inagu soo gaadhsiisey.

Sooyaalkeenii taariikheed, ee suugaanteenna la’aanteed wax badan aan laga xasuusan lahayn waxa ka mid ah: soojireenkeenii beeleed, hab dhismeedkeenii beeleed iyo hab dhaqankeenii beeleed.

Waxa hubaal ah, in aanay abwaannadeenii hore, in aanay beel aan beeshooda ahayn, oo aanay u dhalanin, in aanay waligood sheeganin, oo aanay ku dhaadanin, oo aanay ku faanin.

Sidaas darteed, abwaannadu dhaqan uma aanay lahayn, oo kama aanay suurto'gali jirin, inay beel kale sheegtaan, ama ay iska dhigaan; oo ay suugaantooda ku cabbiraan. Sababta oo ahayd, dadku intan way ka yaraayeen, oo way is wada hayb yaqaaneen, oo way is wada qoys yaqaaneen.

Sidaas awgeed, abwaannadii beeshooda Toljecle ku hal qabsadey, waxa ka mid ah:

1- Abwaan Dirir Warsame - Toljecle (Habar Jecle)

Abwaanku waxa uu yidhi:

Toljecluhu ninkii maag is yidhi, waa muslimiyaaye
Mijahaa Isaaq siman yahee, muruq u roonaaye.

2- Abwaan Axmed (Caad-Leef) - Toljecle (Habar Jecle)

Abwaanku waxa uu yidhi:

Raaxada nugaaleed ninkii, rabeyba loo diidye
Toljecluhu ramaaskiyo ka badan, roobkan xays helaye.

3- Abwaan Maxamed Nuur Fadal - Toljecle (Habar Jecle)

Abwaanku waxa uu yidhi:

Cali Dhuux dharbado reer Isaaq, waw dhug leeyahaye
Wuxu weliba dheeraad ku yahay, dheegga aan ahaye
Toljeclaha dhawaaqii la yidhi, waxan ka dhiifraacey
Ogadeen dhasheega iyo sidii, ceel dhanaan noqoye.

Abwaanku waxa uu mar kale yidhi:

Dhangadaha kolkii dhabiga madhan, dhawda laga saarey
Dhawnbirkii Ogaadeen markuu, dhaanta daba qaadey
Ee aad ololka dhacadiidisaad, dhicin lahaydeene
Dhar caskii magaalada iyo dillaal, dhuuntey baa wadaye
Toljecle haddii laga dhaciyo, dheegga Habar Yoonis
Ama dhalantidii Ciida-gale, lama dhaqaajeene.

4- Salaan Carabey - Toljecle (Habar Jecle)

Beesha marna Habar Toljecle ayaa la odhan jirey, marna Toljecle ayaa magaceeda lagu soo gaabsan jirey, oo waa sida:

Habar Awal = Awal
Habar Garxajis = Garxajis

Sidaas si la mid ah: Habar Toljecle = Toljecle

Abwaanku waxa uu yidhi:

Anuunbaa dibbiro ciil qaboo, dudaya waa noole
Damqanmaayo reer Faaraxaan, ducuminaayaaye
War yaan idin dardari waayinoon, dunida aafeyne
Wax belaayo lagu diimiyaa, duul u waajibaye
Colkan Habar Toljecle loola dudi, daw kalaw furane
Allow yaa caruurahan durdurin, kala dillaameeya.


5- Abwaan Jaamac (Gacma-dheere) - Toljecle (Habar Jecle)

Abwaanku waxa uu yidhi:

Guurtida Sanbuur iyo Cimraan, lagu go'aan sheegtey
Toljeclaha galbeed naga xigee, gobolkayaan sheegtey
Cumarkaa gardaafo iyo maag, wax u galaan sheegtey

Sidaas darteed: Habar Toljecle = Toljecle = Habar Jecle

Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@yahoo.com

 

 
 
Cabdiraxmaan Cali Baranbaro

Mr.mucaarid

layn

Cawa-daran

Daallo Airline

Izuzu

 

       
© Copyright 2012 |www.tashiwanaag.com | Bogga Hore | Nala Xidhiidh |