Carab-Soomaali (Isaaq)
December 25, 2022
Isaaqu waa Carab-Soomaali haddii aad ku doodeysaan, Soomaalidii dalkan lahaan jirtey, ee deggenaan jirtey, ee af Soomaliga ku hadli jirtey, ee innaga af Soomaaliga inna bartey, ee innaga dhaqankan inna bartey, ee innaga geel-dhaqashada inna bartey, ee innagu aynu suugaantan ka dhaxalney, ee iyadu asalka ahaydi, iyadu haddeertan meedey? Miyaynu ka adkaanney, oo waynu tirtirney, mise waynu jabinney, oo waynu qaxinney; haddii aan qaxinneyse, halkee baynu u qaxinney?
Soomaalidii uu Alla ha u naxariisto’e, uu Sheekh Yuusuf Al-kowneyn uu alif la kor-dhabey, alif la hoos-dhabey, alif laa gudeyda uu qarnigii 13aad uu barey’i, iyadu ayay ahayd?
Taariikhdan aad sheegeysaan haddii la idiin raaco, Alla ha u naxariisto’e, Sheekh Yuusuf Al-kowneyn iyo Alla ha u naxariisto’e, Sheekh Isxaaq waa isku waqti’e, ma waxa aad leedihiin, midna Aw Barkhadle ayuu Soomaalida uu xuruufta Carabida uu Soomaali ugu turjumayey, midna Maydh ayuu Reer Sheekh Isxaaq ku dhaldhalayey?
Laas-geel, oo xataa magacu uu af Soomaali yahay iyo aasaarteedan, Isaaqu wax taariikh ah kuma laha, miyaad leedeehiin?
Hebel binu hebel binu hebel, oo la akhriyaa’i, taariikh noqon meyso’e, nimankaas Direed, ee Dirkii Geeska Afrikada Bari laga qafaashtey ka soo tafiirmey, ee dafirayaa’i, su’aalahaas kor ku xusan, ee Carab-Soomaalida (Isaaq)a ku saabsan, miyey wax jawaabo ah u hayaan?
Haa, haddii ay tahay: ”Haatuu burhaanakum”, ayaanu leenahay.
Teeda kale, khuraafaadkan la isku Ahlu-beyteynayaa’i, innagu gooni ah ma ahan, oo beel yar, oo Qoomiyadda Hawsada la yidhaahdo, ee Afrikada Galbeed ilaa Suudaan ku kala baahsan ka tirsan, ayaa mar hore, sideennan oo kale, Ahlu-beytka u sheegatey, oo abtirsiin u alliftey. Laakiin markii dambe waa lagu fahmey; oo fashilaad ayaa ka raacdey.
Iiguma dambeyn:
Carabtu dambi xun, oo aan lagala xisaabtamin, ayay guud ahaan Soomaalida ka gashey, oo gaar ahaan Dirka ayay ka gashey, oo Ganacsigii Addoonsiga, ayay hormood u ahayd, oo xataa markii Reer Yurub ay mamnuuceen, iyadu kama aanay joogsannin, oo ilaa 1935kii ayay si aan qarsooneyn u sii wadatey, oo ilaa haddeertan ayay si dadban haddana u sii wadataa; oo habkii uu Xasan Sheekh Maxamuud uu hablaheenna ugu safriyey, ayaa ka mid ah.
F.G.
Isaaqu, beel uu caqligan batroolku uu u abtiriyo, ka fac-weyn.
Tixgalin mudnaan badan leh.
Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@gmail.com
|
|