Curadkii Sheekh Isaxaaq
December 25, 2012
Waxa aan ilaa haddeer ka soo sheekeyney, inay beeshu ay saddexda magac ee kala ah Habar Jecle, Toljecle iyo Habar Toljecle, inay iyadu iska wada leedahay.
Waxa hadda'ba jirta, inay dadka badhkood ay rumeysanyihiin, inay beeshu curradkii Sheekh Isxaaq ay tahay; oo sidaas ay ku boqrantahay.
Sidaas darteed ayaa beesha Habar Jecle (Habar Toljecle - Toljecle) loola wada xidhiidhinayaa: Axmed Sheekh Isxaaq.
Maxamuud Jaamac (Daallin) - Habar Jecle- ayaa yidhi:
Cirir baa ku toommama ninkii, Caawin weerara'e
Cayaar looma gelin maanta iyo, curadkii reer Sheekhe
Wax badanbaa qabiil soo calmaday, cunay waraabuuye.
Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@yahoo.com
F.G. Aragtidan kor ku xusan, dad ayaa rumeysan. Sidaas si ka duwan, aya'ay dad kale'na ay aragtidan hoos ku xusan, ay u rumeysanyihiin.
Magacan Axmed Sheekh Isxaaq waxa laga soo dheegtey, qisadii Nabi Ibraahiim (CS).
Xaaskii Nabi Ibraahim (CS), oo Sara la odhanjirey, ayaa qaddar Alle daraadiis, ayaa Nabi Ibraahim (CS) ubad u yeelan weydey. Markii iyadu ay Nabi Ibraahim (CS), caruur u dhali weydey, aya'ay Hajir oo jaariyaddeedii ahayd, aya'ay Nabi Ibraahim (CS) u dhistey. Hajir-na Nabi Ismaaciil (CS), aya'ay Nabi Ibraahim (CS), ay u dhashey.
Sidaas si la mid ah, ayaa loo yidhi: Magaado markii ay Sheekh Isxaaq caruur u dhali weydey, aya'ay jaariyaddeedii oo Xabashiyad ahayd, ay Sheekhii u dhistey. Xabashiyaddiina, Axmed aya'ay ku curatey.
|