Daadxoor
December 11, 2017
Toljecle iyo xogihiisa dahsoon waxa ka mid ah: Abtirsiin beenaad, allifaad ah, oo wada madi ah, oo wada hebel hebel hebelleys ah.
Dagaalkii sokeeye, ee beeshan Toljecle ay galbeed ugu soo qaxdey ka dib, reerku asqo ka’ma aanu bixin, oo qas iyo qalalaase abtirsiineed ayaa ku dhacey; oo jaha’wareeriyey.
Xilliyadaas uu Toljecle soo jabey, dalku wada keyn jiq ah buu ahaa, oo haddii qofafka ama qoysaska ay dhirtu kala qariso, oo dhawaaqoodu uu isgaadhi waayo, wa’ay kala lumi’jireen; oo sida ay dib iskugu helaani, aad iyo aad aya’ay u adkeyd; oo inta badan mustaxiil aya’bay ahayd.
Gaadiidkan haddeer ee daldhaweeyaha ah, iyo isgaadhsiintan casriga ahi’na, ma aanay jirin. Beelaha dhaxdooda’na, inta badan, colaad ayaa ka dhaxjiri’jirtey, oo qofku ama qoysku inuu haybtiisa qariyo, ayaa dhici kari’jirtey. Ruuxu ama reerku, inuu cid kale oo uu ku nabadgalayo iska sheegto, ayaa iyadu’na aad u badneyd.
Duruufahaas qallafsanaa oo arladan ka jirey, buu Toljecle’han maantu uu galbeed ku soo qulquley. Isaga oo aan is wada aqoonin, buu iska soo daba’dhacey. Hormooyinkii sii saldhigtey, ayaa goosankii soo rardhigta’ba, u kala baratami’jirey. Marka hore, magaca guud ee Toljecle aya’ay ku soo dhaweynjireen. Marka danbe’na: ”Isku jilib aya’aynu nahay”, aya’ay ku socodsiinjireen.
Tartankaas soo daggayaasha lagu kala boobi’jirey’i, waa tabihii iyo xeeladihii ay jilibbadan yaryar ee Toljecle badankoodu ay ku dhismeen, ee ay ku sameysmeen. Waa’na ta sababtey inay dad isku qoys ahaa’i, inay kala war la’aadaan, oo laba jilibna ay kala ahaadaan. Waxa reerkan ku badan, qoysas awowga saddexaad ama afraad ama shanaad iskugu tagga, oo haddana magaca guud ee Toljecle mooyaan e, aan si kale isku aqoonin, isna tirsannin.
Waxa iyadu’na sheegiddeeda mudan, oo saameynteeda lahayd, oo isla waayadaas beeshan la soo daristey, in markasta oo shir la iskugu yimidba, in intii meelaha fogfog ka timiddey, ee hayb guud uun ku socotey, ee magaca Toljecle mooyaane, aan iyagu inta jilibkooda ah aan waji garaneynin, in iyaga’na la kala leexsanjirey. Qolada ay geedkooda ku soo horreeyaan, ayaa marka hore ku marxabeysiinjirtey: ”Waar waa isla inagii’e, soo fadhiista”, ka bacdi’na sidaas aya’ay ”isku jilib” uga dhiganjireen.
Kulan iyo kulan la’aanba’na, in magaca Toljecle wax aan ahayn la isla soo hadalqaado, oo la isku abtirsado, ayaa reerkan ka mamnuuc ahayd. Ciddii abtirsiin, ama istohoyasho kale la shirtimaada’na, waa lagu xanaaqi’jirey; oo faldanbiyeed Toljecle kala qaadqaadid ah, ayaa lala tiigsanjirey.
Qaladaadkaas tirada badan, ee abtirsiintii beeshan Toljecle, ee Ugaadh Aadan, ee Aadan Maxamed Abokor (Aadan-madoobe), ee Habar Jecle sida kama’a ahayd, ama ula kaca ahayd ugu dhaxfidey, ayaa kala shaki’ga jilibbada abuurey.
Si kasta ha ahaato’e, Toljecle’ha maantu, waa saddex qeybood:
-
Qeyb abtirsiinteedii saxda ahayd taqaana, ku’na dhaqanta
-
Qeyb abtirsiinteedii saxda ahayd taqaana, laakiin cabsi darteed aan ugu dhaqmin.
-
Qeyb abtirsiinteedii saxda ahayd aan aqoonin, oo iyagu iska hebel hebel hebelleysan.
Qeybuhu ha iska jiraan’e, taariikh ahaan Toljecle waxa uu ku abtirsadey: Ugaadh Aadan Maxamed Abokor (Aadan-madoobe), oo Habar Jecle ah.
Sidaas darteed, abtirsiintan hebel hebel hebelleysigu, waa iska daadxoor.
Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@gmail.com
|
|