Jeegaan Iyo Jid-Waaq
February 23, 2023
Jeegaanta, oo Habar Jecle iyo Habar Awal ah, ayaa dhul-beereedkeedii Dowlad Deegaanka Direed (DDD), ee Itoobiya, ee min Degmada Harooreys ilaa Jigjiga, ayaa sidii uu Sheekh Xasankii Yabareed uu uga soo qaxiyey, ayaa waa nasiib darro’e, ayaan ilaa maantadan soo dhacsannin; oo Jid-Waaq aan kala soo noqonnin.
Dacawo ayaa tidhi: ”Dayo Caley dad moodeen, oo duunyada uga yaaceen!”
Hadda Jid-Waaqa ayaaba yaabban, oo Jeegaanta iyo dib u soo rogasha la’aanteeda, ayuu aad iyo aad, ula yaabban yahay. Waayo, dhul uu dadkii iska lahaa garanayo, oo uu arkayo, ayuu iska deggen yahay, oo iska beertaa, oo iska manaafacadsadaa; oo aan loogu imaneynin, oo aan lagu qabsaneynnin.
Jeegaantu, goorma ayay wax garan doontaa!
Tixgalin mudnaan badan leh.
Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@gmail.com
|
|