Majeerteeniya Iyo Ogaadeeniya
January 31, 2023
Afeef: Majeerteeniya iyo Ogaadeeniya, waa deegaannada ay Majeerteenka iyo Ogaadeenku ay kali ahaan u kala deggen yihiin; ee qoysaska dhex-deggeni, ay la-yaallada ku yihiin.
Majeerteeniya iyo Ogaadeeniya, waa labada deegaan, ama gobol, ee Soomaaliyeed, ee kali ah, ee magac ahaan qabiileysan, ee labada beelood ee kala deggeni, ay abtirsiintooda ku muujiyeen, ee ”Anigaa ku leh!” iyo ”Dhulka naga!”, ku kala suntan, ee ku kala sheegan.
Majeerteeniya iyo Ogaadeeniya, labadooduba, marka ay dan gaar ahaaneed leeyihiin, ayay hab qabiil ku dad iyo dal badsadaan, oo midna Hartiyeeniya ayuu jeebka kala soo baxaa, midka kalena Absameeniya, ayuu kiishadda kala baxaa; oo labadooduba way munaafaqadeeyaan.
Marka ay intaasi anfaci weydana, ”Yaa Daarood ahaay!”, oo aan ka niyad ahayn, oo aan ka dhab ahayn, ayay Daaroodka intiisa kale ugu qeyshadaan; oo sallaan ay muraadkooda ku gaadhaan, ayay beelahaas kale ka dhigtaan.
Majeerteeniya iyo Ogaadeeniya, inay Hartiyeeniya iyo Absameeniya, inay kor uga hinqadaan, oo Daaroodeeniya u gudbaan, ayaa ku adag, oo waa halkii maahmaahdii af Carbeed e, waa: ”Aniguna amiir baan ahay, adiguna amiir baad tahay’e, yaa dameerka inoo kaxeynaya?”
Majeerteeniya iyo Ogaadeeniya, oo midkoodna aanu Daaroodeeniyaba gaadhi kareynin, waa in aan midkoodna Soomaaliyeeniya laga filannin; oo marka ay ”Yaa Soomaaliyaay!” ay leeyihiin, waa in aan run looga qaadannin, oo aan lagu sirmin.
Sababta oo ah, ”Yaa Soomaaliyaay!”doodu, waa ka been-been, oo waa ka nifaaq, oo way ku awr-kacsanayaan.
Tixgalin mudnaan badan leh.
Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@gmail.com

|
|