Tafiirtii Aadan-madoobe
   
     

layn

Axmed Shide

layn

Dr. Gabboose

layn

Fahad Yaasiin

layn

Geed-beeleedka Beesha Aadan-madoobe

layn

Meelihii Aadan-madoobe u kala qaxey

layn

Beesha Geeska Afrikada Bari

layn

Burco

layn

Haldoorka Aadan-madoobe (Habar Jecle

layn

Cadaalad

layn

Abtirsiin

layn

Abtirsiinta Aadan-madoobe

layn

Abtirsiinta Ugaadh Aadan

layn

laynUgaadh Aadan-madoobe

layn

Ceeldaraad

layn

Ceeldaraad

layn

 

MShDahir Qabiil Qoonsimaad Ka Leh

January 4, 2022

Beesha Aadan-madoobe, ee Habar Jecle, waa beel aad iyo aad u nasiib daran. Waayo, beeshu sidii dagaalladii sokeeye, ee qarniyadii 18aad iyo 19aad loogu bara-kiciyey, ee afarta jihood loogu kala qaxiyey ka dib, beeshu ilaa maantadan, sidii ayay u kala tafaraaruqsan tahay; oo sidii ayay u kala maqan tahay.

Tusaale:

1- Muxumed

Muxumed, oo ah: Muxumed Aadan Cabdille Ugaadh Aadan-madoobe, ayaa nasiib darro, ilaa haddeertan, sidan u kala qolo-qoleysan:

b) Muxumed – Fiqi-Muxumed (Dir Koonfureed)
t) Muxumed – (Warsangali)
j) Muxumed – (Habar Jecle)

2- Surre iyo Reer Aw Xasan

Surre iyo Reer Aw Xasan, oo isku ah: Kheyre Xasan Ugaadh Aadan-madoobe, ayaa nasiib darro, ilaa haddeertan, sidan u kala qolo-qoleysan:

b) Surre – (Dir Koonfureed)
t) Reer Aw Xasan - (Ashraaf)

3- Sanbuur + Biyo-maal + Gaadsan + Awr-maal (Cowrmale)

Sanbuur + Biyo-maal + Gaadsan + Awr-maal (Cowrmale), oo isku ah: Ibraahim Ugaadh Aadan-madoobe, ayaa nasiib darro, ilaa haddeertan, sidan u kala qolo-qoleysan:

b) Sanbuur (Habar Jecle)
t) Biyo-maal (Dir Koonfureed)
j) Gaadsan (Dir Koonfureed)
x) Awr-maal (Cowrmale)

4- Badeed + Colow + Dhuux-yar + Dhuunya-cab

Badeed + Colow + Dhuux-yar + Dhuunya-cab, oo isku ah: Maxamed Xasan Cabdille Ugaadh Aadan-madoobe, ayaa nasiib darro, ilaa haddeertan, sidan u kala qolo-qoleysan:

b) Badeed Maxamed - (Axmed Faarax) – Habar Jecle
t) Colow Maxamed - (Axmed Faarax) – Habar Jecle
j) Dhuux-yar - Toljecle
x) Dhuunya-cab – Toljecle

5- Bah Sanbuur + Jilib-buur + Cabdi-Kariim + Reer Wagar

Bah Sanbuur + Jilib-buur + Cabdi-Kariim + Reer Wagar oo isku ah: Ismaaciil Aadan Cabdille Ugaadh Aadan-madoobe, ayaa nasiib darro, ilaa haddeertan, sidan u kala qolo-qoleysan:

b) Bah Sanbuur (Ruug-buur) – Habar Jecle
t) Jilib-buur - Toljecle
j) Cabdi-Kariim - Toljecle
x) Reer Wagar - Toljecle

6- Reer Wacays

Wacays, oo ah: Wacays Iidle Aadan Cabdille Ugaadh Aadan-madoobe, ayaa nasiib darro, ilaa haddeertan, sidan u kala qolo-qoleysan:

b) Wacays – Habar Jecle
t) Wacays - Toljecle
j) Wacays - Ogaadeen

7- Reer Faatax

Faatax, oo ah: Faatax Iidle Aadan Cabdille Ugaadh Aadan-madoobe, ayaa nasiib darro, ilaa haddeertan, sidan u kala qolo-qoleysan:

b) Faatax – Toljecle
t) Faatax – Reer Cabane (Sacad Muuse)

8- Cali Aadan

Cali Aadan, oo ah: Cali Aadan Cabdille Ugaadh Aadan-madoobe, ayaa nasiib darro, ilaa haddeertan, sidan u kala qolo-qoleysan:

b) Cali Aadan - Toljecle
t) Cali Aadan - Majeerteen

Haddaba, nasiib darradaas beesha ku habsatey, ee muddada dheer qaadatey, ayaa xal degdeg ah u baahan. Sidaas darteed, haween iyo rag, waa inaad beesheenna Aadan-madoobe, ee Habar Jecle, waa inaad degdeg u wada mideysaan - bi idni Allaah.

Alla ha u naxariisto’e, Salaan Carabey ayaa yidhi:

Anuunbaa dhaxantu xaley iigu timi, dhimirsigii ciile
Dhegxumada aniyo baa masa ah, dheecdan reer gude'e
Wallee ama dhilfida laygu xidhey, dhoobo qolof saarey
Wallee ama dhulkaba waan ka tegi, dhaaban magaciiye.

Tix-galin mudnaan badan leh.

Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@gmail.com

 

 

 

 

 

 

 
 
Cabdiraxmaan Cali Baranbaro

Mr.mucaarid

layn

Cawa-daran

Daallo Airline

Izuzu

 

       
© Copyright 2012 |www.tashiwanaag.com | Bogga Hore | Nala Xidhiidh |