Reer Aw Siciid
April 9, 2022
Reer Aw Siciid waa: Gaadsan.
Gaadsan waa: Aadan-madoobe, oo waa Habar Jecle, oo waa Isaaq, oo waa Dir.
Gaadsan iyo Biyo-maal waa: Siciid Ibraahim Ugaadh Aadan Maxamed Abokor (Aadan-madoobe).
Reer Aw Siciid waa qeybihii Aadan-madoobe, ee dagaalladii sokeeye, ee qarniyadii 18aad iyo 19aad, dhinacaas Koonfureed u qaxey, ee gobolladaas Koonfureed ku kala baahey, ee ku tarmey, ee ku tafiirmey.
Reer Aw Siciid iyo Gaadsan, waa isku beel, oo waa isku dhiig, oo waa isku abtirsiin ah, oo waa isku deegaan. Sidaas darteed, Reer Aw Siciid iyo Gaadsan, waa inay is wada haybsadaan, oo wada xidhiidhaan, oo dhaqan ahaan iyo siyaasad ahaan ba, waa inay iska wada kaashadaan, oo degdeg u wada midoobaan – in bi idni Allaah.
Alla ha u naxariista'e, Salaan Carabey ayaa yidhi:
¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯
Duunyadatan kama liidataan, daaqi geedaha'e
Iyaba waa isdoontaan hadday, kala dibboodaane
Kolay deeradiyo cawsha tahay, doqoni waa liide
Nimanyahow tolnimo waa dugsiye, dunida jeedaasha.
Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@gmail.com
|
|