Tafiirtii Aadan-madoobe
   
     

layn

Boqor Maxamuud

layn

Ugaas Yuusuf

layn

Boqor Burhaan

layn

Suldaan Cabdillaahi

layn

Axmed Shide

layn

Dr. Gabboose

layn

Fahad Yaasiin

layn

Geed-beeleedka Beesha Aadan-madoobe

layn

Meelihii Aadan-madoobe u kala qaxey

layn

Beesha Geeska Afrikada Bari

layn

Burco

layn

Haldoorka Aadan-madoobe (Habar Jecle

layn

Cadaalad

layn

Abtirsiin

layn

Abtirsiinta Aadan-madoobe

layn

Abtirsiinta Ugaadh Aadan

layn

laynUgaadh Aadan-madoobe

layn

Ceeldaraad

layn

Ceeldaraad

layn

 

MShDahir Sheekh Isxaaq

July 17, 2019

Afkeenu ma aanu qornaan jirin, afafka kale ee qalaadna, kuma aynaan ciil-bixi kari jirin. Sidaas darteed, niman shisheeye ah, oo aynaan isku luuqad ahayn, ayaa wax inaga qori jirey. Iyaga’na qofaf Soomaaliyeed, oo afafkooda soo bowsadey, oo xirfad-turjumaaneed aan lahayn, ayaa jacburin iyo ma’ma’leyn wax ugu sheegi jirey.

Min qarnigii 7aad
Carabtu [1], min qarnigii 7aad, ayay dadkeena qafaalan jireen, oo xeyn-xeyn u kaxeysan jireen, oo xeebaheena uga dhoofsan jireen, oo dalalkooda ku addoomin jireen; oo ka dibna sida xoolaha uga baayac-mushtareyn jireen, una kala gadan jireen.    

Ayax-ku-nooshu, iyaga oo magac muslin wada leh, ayay shacabkeena daldalan jireen, oo gumeyn jireen, oo cabiidsan jireen, oo kolba sida ay doonaan ugu adeegan jireen.

Sida la sheegey, in badan oo dadkeena ka mid ahayd, oo dhul-beeredka wabiyada Ciraaq la geeyey, oo beeraha lagu qodan jirey, ama lagu falan jirey, ayaa ugu hoog iyo halaagba badneyd. Cimilada oo marna kuleyl ahayd, marna qabow ahayd, ayay hu’ iyo hoy la’aan ku shaqeyn jireen; kuna habeensan jireen. Intaas laguma deyn jirin’e, waa garaaci jirey, oo waa la gaajeysiin jirey. Xataa inay tarmaan looma ogolaan jirin, oo waa la kala ilaalin jirey.

Alif la kor dhabey
Sheekh Isxaaqu - waa sida la yidhi’e - qarnigii 13aad buu arladan soo gaadhey. Hadda’ba warkaas’i haddii uu run yahay, dhulkan oo lagu uumman yahay, oo la deggen yahay, oo lagu dhaqan yahay, oo af Soomaali lagaga hadlo, ayuu wadaadku yimid.

Sababta oo ah, qarnigii 12aad ayay dadku Af-Carbeedka ay Af-Soomaali ku higgaadin jireen, oo alif la kor dhabey, alif la hoos dhabey, alif la godey’da ay ku subcin jireen, oo Sheekh Yuusuf Alkawneyn [2], ayaa u fududeeyey, oo sidaas sahlan ugu turjumey.

Sheekh Isxaaqu – waa sida la soo wariyey’e – isaga oo da’a ah, oo 100 (boqol) jir ku dhawaad ah, ayuu Carabaha ka soo haajirey. Hadda’ba qawlkaas’i haddii uu sax yahay, gayigan oo dhag-castu horey u soo gumeysan jirtey, oo seylado yar-yar oo addoonta lagu kala iibsado’na ay ugu lahaan jirtey, ayuu odeygu soo booqdey.

Eheladii Direed

Dadkeenii qarnigii 7aad Ciraaq loo iib-geeyey’i, waa hubaal oo ma aanay wada dabar-go’in, oo kolley tafiir ayay halkeer kaga tageen. Sheekh Isxaaqu-na la yidhi: qarnigii 13aad ayuu Ciraaq ka soo tacabbirey.

Hadda’ba Sheekh Isxaaqu’ba, inuu eheladii Direed, ee Ciraaq lagu cabiidsan jirey uu ka soo jeedey, ayaa suurta-gal ah. Sababta oo ah, goortaas la leeyahay wuu soo caga-dhigtey ka hor, ayay qabiilooyinkan, oo Soomaali ah, oo magacyadoodu aanay Sheekh Isxaaq-saneyn’i wada jireen, oo wada joogeen.

Sidaas darteed, qisadan Sheekh Isxaaq, waa sheeko Carbeed, gaar ahaan Yamaneed, oo Meydh laga soo dajiyey. Ku abtirsigiisu’na, waa allifaad-culumeed, oo ahlu-beyteysan. Beeluhu’na, waa wada Dir.

Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@gmail.com
www.tashiwanaag.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 
 
Cabdiraxmaan Cali Baranbaro

Mr.mucaarid

layn

Cawa-daran

Daallo Airline

Izuzu

 

       
© Copyright 2012 |www.tashiwanaag.com | Bogga Hore | Nala Xidhiidh |