Warday Cali
April 15, 2022
Warday Cali waa: Warday Cali Cabdille Ibraahim Ugaadh Aadan Maxamed Abokor (Aadan-madoobe).
Warday Cali Cabdille Ibraahmi Ugaadh Aadan waa: Sanbuur, oo waa Aadan-madoobe, oo waa Habar Jecle, oo waa Isaaq, oo waa Dir.
Cabdille Ibraahim Ugaadh Aadan-madoobe, waxa uu dhaley:
1- Warday Cali Cabdille Ibraamim Ugaadh Aadan-madoobe
2- Siyaad Cabdille Ibraahim Ugaadh Aadan-madoobe
3- Ciise Cabdille Ibraahim Ugaadh Aadan-madoobe
4- Raage Cabdille Ibraahim Ugaadh Aadan-madoobe
Warday Cali waa qeybihii Aadan-madoobe, ee dagaalladii sokeeye, ee qarniyadii 18aad iyo 19aad, dhinacaas Koonfureed u qaxey, ee gobolladaas Koonfureed ku kala baahey, ee ku tarmey, ee ku tafiirmey.
Haddeer iyo haatan, inkasta oo Aadan-madoobe uu muddo dheer sii kala maqan yahay, oo dagaalladii sokeeye, ee qarniyadii 18aad iyo 19aad kala qaxiyey ka dib, aanu dib isku soo wada haybsanin, oo sidii u kala tafaraaruqsan yahay, oo sidii u kala qolo-qoleysan yahay, haddana goor ay ahaataba, goor uun buu wada midoobi doonaa – bi idni Allaah.
Alla ha u naxariista'e, Salaan Carabey ayaa yidhi:
¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯
Duunyadatan kama liidataan, daaqi geedaha'e
Iyaba waa isdoontaan hadday, kala dibboodaane
Kolay deeradiyo cawsha tahay, doqoni waa liide
Nimanyahow tolnimo waa dugsiye, dunida jeedaasha.
Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@gmail.com
|
|